16th April 2024  admin  Category :

Ayaan darooyinka qarnigan ina soo maray waxaa ka mid ah rag iyagu isu xiniinyo waaweeyn balse aan cadowgooda u xiniinyo waaweeynayn, midhkaasi aan is dul taagee dharaartii la joogay Taleex, way ku soo kala xanaaqeen Xaglotoosiye Iyo Mr Galaydh, maantana labadooduba waxay qabaan u yihiin maamul beeleedka Somaliland.

Waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mid ah sheeka uu ka sheekeyey Xaglotoosiye xilli u soo gaadhay magaalada Buuhoodle oo uu ku sugna Mr Galaydh intii aanu badhaadhihiisa cadaysanin, kuyee Xaglotoosiye wiilka gabadh baa dhashay oo abtaa loo yahay, kelmadaasi aad baa looga qayliyey, balse markii la suaalay wuxuu yidhi, waxaan Galaydh iyo kooxdiisa u maagayaa, beritaba waxay ku soo biirayaan Somaliland, marka waxooga baan isleeyahay ka samen!!!!.

Hadalkaasi dadkii uu u sheegay waxay ku noqotey qaadan waa iyo hadal aan barkumataal ahayn, hase ahaatee wuxuu ahaa hadal uu guntiisa waxka ogaa, balse aanay bulsho badani la soconin, warkaasi ayaa soo galay magaaladii Buuhoodle, aad baana loola yaabanaa, waxaan dhici karina waa loo arkayey!!!!.

Isku soo duuboo Xaglotoosiye Iyo Mr Galaydh oo nolosha siyaasadeed waa hore ku kala dhaqaaqay, maadaama ay iska jiidheen dhinaca damaca iyo iyagoo isu arkayey inuu midba mid ka kale doonayo inuu karkaarka waydaariyo, waxaa labadoodii oo isla qoslaya caynabo isugu keenay maamul beeleedka Somaliland……

Labadan nin oo xaqii ku soo kala dhaqaaqay waxay maanta isla joogaan Caynaba, waxaanay u adeegayaan maamul beeleedka Somaliland, ee sow ma odhan karno waxaa inaga buuxa (Shisheeye Kalkaal)?!!!.

Waxaa kaloo inaga buuxa (Geed Sare Waabka), oo iyaguna ah kooxo qoladan aan soo xusnay aan walba gaga duwanayn, oo iyaguna iska jecel intaanay kooda hagaajinin inay kan Puntland hagaajiyaan!!!!…

Midhka u dambeeya labadii taleex ku calowday maanta waxay u adeegayaan cadowga dhulkooda ugu talinaya, waxaanay doonayaan inay shillimaad yar oo beritaba iska dhamaanaya inay ka uruursadaan, balse waxay shacabkooda uga tagayaan taariikh xumo dheg xumo iyo hunguri xumo…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*