18th April 2024  admin  Category :

RW Abiye oo u sheegay madaxweyne Farmaajo in beesha ay ku kalsoon tahay inay wada hadalka ay la gelayaan dawladda Soomaaliya ay ku kalsoon yihiin inuu hogaamiyo Siyaasi hawiye ah

Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed, ayaa la sheegay inuu muddooyinkan dambe sii xoojiyay qorshihiisii ahaa wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu dejiyay qorshe cusub oo uu ku waajahayo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan , Raysal-wasaare Abiye Axmed, ayaa wuxuu dhawaan magaalada Addis Ababa ku martiqaaday Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo uu u bandhigay qorshe ah inuu dhinaca Soomaaliya gadhwadeen ka noqdo wada-hadallada iyo qorshaha ay Soomaaliya ku waajahayso SNM, taas bedelkeedna uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo noqdo mid sii jooga xaafadda Dayniile ee magaalada Muqdisho

Isbedelkan ayaa la sheegay in Raysalwasaare Abiye ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in beesha Isaaq xaasaasiyad ka qabaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay inuu aqbalay qorshahan, waxaana la sheegay inuu u bandhigay madaxda dhalasho ahaan ka soo jeeda ISAAQ , balse fikirka midnimada SNM iyo Soomaaliya aaminsan ee xukuumaddiisa ka tirsan.

Raysal-wasaare Abiye Axmed ayuu warku sheegay inuu qorsheeyay inuu kulan magaalada Addis Ababa ku dhex maro Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaare Xasan Cali Khayre dabayaaqadan bishan April, laakiin fiditaanka Covid19, ayaa la saadaalinayaa inuu sabab u noqon doono baaqashada kulankaas.

Wararka qaarkood ayaa iyaguna waxay sheegayaan inuu wada-hadal dhinaca Telefoonka ahi dhex maray Hogaamiyaha SNM Muuse Biixi iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Geesta kale, Madaxweyne Biixi ayaa kulan uu toddobaadkii hore madaxtooyada kula yeeshay Guddoomiyaha golaha guurtida iyo madaxda xisbiyada mucaaradka, waxa la sheegay inuu si kooban ugaga  warramay qorshe uu Raysal-wasaare Abiye Axmed dabada ka riixayo oo ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana falanqayn kooban ka dib la sheegay in Madaxweyne Biixi uu madaxda siyaasadda Beesha Isaaq ee uu la kulmay u sheegay inuu si rasmi ah ugu warrami doono 10 maalmood ka dib.

Waxa iyaguna toddobaadkan ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya qaar ka mid ah salaadiinta beesha Isaaq oo sheegay inay salaadiin ahaan qayb ka noqon doonaan wada-hadallada Hargeysa iyo Muqdisho.

Lama garanayo sababta wakhtigan ku soo beegtay hadalka salaadiinta oo aan hore uga hadli jirin wada-hadallada labada dal u dhaxeeya.

Hogaamiye Biixi ayaa la aaminsanyahay inaanu ku niyad wanaagsanayn sida uu arrimaha u wado raysalwasaare Abiye Axmed.

hogaamiye Biixi ayay umaddu ka sugaysaa inuu shacabka reer Somaliland uga warramo arrimaha socda ee uu dabada ka riixayo Raysalwasaare Abiye Axmed, oo ay warar kala duwan oo xaasaasi ahi ka soo baxayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*