26th April 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee taariikh nololeedkii Cabduqaadir Cali Maxamed

Cabduqaadir Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Boolaay waxaa uu ku dhashay 17-kii febraayo 1930-kii, magaalada Muqdisho gaar ahaan  degmada Xamarweyne meel u dhow masjidka Jaamac oo ka mid ah masaajida ugu facaweyn Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii saxaafadda Soomaaliya waxa uuna Waxbarashadiisa aas aasiga aheed ku soo qaatay iskuulka Xamarjajab.

1946-kii ayuu bilaabay ka shaqeynta Boostada iyo Isgaariinta xarun gumeystuhu lahaa oo ku taalay degmada Shangaani, 15-kii bishii febraayo sanadkii 1947-kii ayuu ku biiray xisbigii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL,isaga oo ka mid noqday hosreedkii xornimo gaarsiinta Soomaaliya,

Sida uu ku qoray buugiisa halgamaa Dr Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay) waxaa gacan ka siiyay ku biiristiisii xisbig gobanima doonka,halgamayaashii Yaasiin Xaaji Cusmaan Iyo xaaji Maxamed Xuseen oo saaxib dhow la ahaan aabbihiis Cali Maxamed Cusmaan (Cali Boolaay) oo ahaa ganacsade caan ah,.

1952-kii ayaa waxaa uu ka mid noqday 19 arday Soomaaliyeed oo xiligaasi waxbarasho dibadda ka helay Dowladda Talyaaniga,waxaana barashada luqadda Talyaaniga kadib uu ku soo taqasusay saxaafadda iyo arrimaha Bulshada oo uu shahaado ka soo qaatay..

1954-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay waxaana 15 maalmood kadib loo magacaabay Agaasimihii qeybta taleefanada ee wasaaradda Boostada iyo isgaariinta  oo xiligaasi uu Agaasime ka ahaa nin Talyaani ah..

Isla sanadkii 1954-kii waxaa loo doortay xoghayihii guud ee urur weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, 1955-kii ururkaasi ayaa ka qeyb galay  shirkii shaqaalaha caalamka, waxaana isla sanadkii xigay uu urur weynihii shaqaalaha Soomaaliyeed ku matalay shirkii urur weynihii shaqaalaha Afrika ,kaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay qaateen shaqaalaha qaaradda Africa.

Sanadku markii uu ahaa 1957-kii waxaa uu marti qaad ka helay ururka shaqaalaha Soomaaliyedd  urur weynihii shaqaalaha  aduunka ,kaasi oo uu Soomaaliya ku matalay xiligaasi Rabbi ha u naxariistee Dr Cabduqaadir Cali Maxamed Boolaay.

Sanakii 1958-kii ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddi hoosaadkii xisbigii SYL.

Intuu ahaa xoghayihii ururka shaqaalaha waxaa u sii dheeraa u qaabilasanaha Xisbigii SYL ee  wargeysyada iyo idaacadaha ,iyadoo waqtigaasi lagu guuleystay in la helo Wargeys ku hadla Afka Xisbigii gobanimo doonka oo lagu magcaabi jiray Union ama midnimo,waxaana uu qorijiray qeybta afka Talyaaniga.

Isla sanadkii 1958-kii waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay  Wargeyskii Corriere Dalla Somalo,oo uu madax ka ahaa  Carlo Berttaloni.

Bishii April 1960-kii ayuu iska casilay xilkii uu u hayay ururkii shaqaalaha Soomaaliyeed,isaga oo doonayay inuu xoogga saaro ka shaqeynta Wargeysyadii xiligaasi soo bixi jiray.

Sanadkii 1960 ayuu booqday daarta ay ku shaqeyso BBC,halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Xaaji Cusmaan Faarax oo ka wareystay xurnimadii Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray midnimadii ummadda, si wanaagsan ayuu uga waramay xornimada waxaana markii uu dalka dib ugu soo laabtay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya ee xiligaas Cali Maxamed Hiraabe oo ugu hambalyeeyay sidii wanaagsaneed ee uu ugu waramay BBC-da

Bishii December ee sanadkii 1960-kii  Waxaa uu ka mid ahaa howl wadeenadii lagu aas aasay Wasaaradda Warfaafinta oo markaasi ka koobneed, Afar waaxood oo kala ahaa.

  • Waaxda Radio Muqdisho
  • Waaxda qorsheynta
  • Waaxda qoraaladda
  • Iyo Waaxda diyaarinta ,taasi oo qaabilsaneed soo uruurinta wararka wakaaladaha caalamka, Waxaa, uu mar soo noqday Agaasimihii Wargeyska Corriere dalla Somalo

1969-kii Markii ay dowladii kacaanka milateriga ay wadanka la wareegtay waxaa la bedelay magacii wargeyskii Corriere dalla Somalo oo lagu bedelay wargeyskii Xidigta October , xiligaas uu Agaasime kasoo noqday.

1979-kii waxaa loo doortay 30-kii xubnood ee golihii shacbiga ee Xamar,waxaana xilkaasi loo dhaariyay sanadkii 1980-kii,shirkii ugu horeeyay golahaasi waxaa loogu doortay guddoomiyaha Arrimaha Bulshada iyo deegaanka Muqdisho.

Sanadhii 1989-kii ayaa loo magacaabay kuxigeenkii duqa Muqdisho ee arrimaha bulshada oo uu hayay ilaa ay ka burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo hogaaminayay Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*