![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2017/02/icj-e1486062603676-624x391.jpg)
12th February 2025 admin Category :
Dacwadda badda ee taala maxkamadda ICJ ee u dhaxeeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa dib loo dhigay laba jeer, waxaana soo baxaya shaki aad u weeyn oo ku aadan dib u dhiga ay Keenya dalbatay iyo waxa ay damacsantahay. Waxaa dhab ah, in Keenya aysan xiiso badan u qabin in lagu kalla baxo maxkamadda, balse ay dooneeysa in miiska hoostiisa lagu wada hadlo.