29th March 2024  admin  Category :

Senate-ka oo madaxii hore ee VOA Amanda Bennett u ansixiyay hoggaanka hay’adda USAGM

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa Khamiistii ansixiyay Amanda Bennett oo madaxweyne Joe Biden uu u magacaabay inay hoggaamiso Wakaaladda Mareykanka ee Warbaahinta Caalamiga ah (USAGM), oo ah hay’ad federaal ah oo maamusha Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA iyo hay’adaha kale ee warbaahinta caalamiga ah.

Codkii ansxinteeda ayaa waxaa oggolaaday 60 Senator, halka 36 kale ay diideen, waxaana Amanda Bennett oo hore madax uga soo noqatay VOA ay hoggaamin doontaa hay’adda USAGM muddo saddex sano ah.

Codeynta kadib, ku-simaha madaxa USAGM Kelu Chao ayaa amaantay khibradeeda iyo aragtideeda, waxayna sheegtay in Bennett ay gacan ka geysan karto qalabaynta hay’adda si ay uga hortagto hanjabaadaha lagu hayo warbaahinta madaxa-banaan, ayna u gaarto dhagaystayaasha u baahan.

“Hadda in ka badan sidii hore, dadka adduunka oo dhan waxay ku xiran yihiin USAGM wararka xaqiiqda ku saleysan, si ay ugu guuleystaan kororka macluumaadka khaldan, been-abuurka, iyo faafreebka. Waxaan ku biirayaa dhammaan shaqaalaha hay’adayada ee soo dhawaynta Amanda oo ku soo laabanaysa shaqada inta lagu jiro xilligan muhiimka ah ee xorriyadda iyo dimuqraadiyadda,” ayay tiri Zhao.

Qiyaastii 394 milyan oo qof ayay gaaraan barnaamijyada USAGM toddobaad kasta.

Hay’adda USAGM oo ay maal-geliyo Koongareeska Maraykanku waxa ay leedahay laba hay’adood oo federaal ah, kuwaas oo kala ah Codka Maraykanka iyo Xafiiska Warfaafinta Cuba iyo afar aan faa’iido doon ahayn – Radio Free Europe/Radio Liberty, Radio Free Asia, the Middle East Broadcasting Networks, iyo Sanduuqa Open Open Technology Fund.

Bennett waxay tifatire kasoo noqotay Bloomberg News wargeyska The Oregonian.Waxay sidoo kale wariye u ahayd The Wall Street Journal in ka badan 20- sano, oo ay ku jirto xilli ay joogtay Beijing. Waxay sidoo kale qortay lix buug oo aan aheyn kuwa sheekoyinka khayaaliga ah, waxayna laba jeer la wadaagtay abaalmarinta Pulitzer asxaabteeda, sanadihii 1997 ee The Wall Street Journal iyo mar labaad 2001 ee The Oregonian.

Waxay noqotay agaasimaha VOA sanadkii 2016 kahor intaysan is-casilin Juun 2020, kahor Michael Pack oo la wareegay maamulka USAGM, waxaana Pack magacaabay madaxweynihii xilligaas Donald Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*