27th April 2024  admin  Category :

CNN oo baajisay waraysiga Madaxweynaha Iran kaddib shuruud adag oo lagu xiray

Weriyaha telefishinka CNN, Christiane Amanpour, ayaa baajisay waraysi ay ka qaadi lahayd Madaxweynaha Iran, Ibraahim Raisi, kaddib markii uu ka dalbaday inay waraysato iyadoo uu madaxa u dadan yahay ama xijaaban.

Amanpour ayaa tilmaantay in aanu jirin madaxweyne dalab noocaas ah u jeediyay markii ay hoggaamiyeyaasha ku waraysatay meel ka baxsan Iran.

Waxa ay intaa ku dartay in kaaliyaha Madaxweyne Raisi uu u sheegay in sababta dalabkaas ay tahay “xaaladda ka taagan Iran”.

Geerida haweeney ay laamaha ammanka ee Iran u xireen inay jebisay xeerka xijaabka ayaa waxaa ka dhashay dibedbaxyo rabshado wata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*