26th July 2024  admin  Category :

Sayidka oo la kulmay  Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, Somalia (13 April, 2017)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed islaam oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha Jubbalad iyo Danjiraha Cusub ee Uk ayaa lagaga hadlay Xaalada abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowlada Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda, sidoo kale waxaa diirada lagu saaray Arimaha amaanka iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku amaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya.

 

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Dhinaca Siyaasada ayay sidoo kale Masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowlada Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowlada Ingiriiska ee ah in ay kasoo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DAWLADDA
JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*