31st January 2023  admin  Category :

Askarigii Somaliland ee dilka ka gaystay Yube oo Ceerigaabo lagu qarinayo iyo maamulkii uu ka tirsanaa oo aan ilaaka hadlin

Allah ha u naxariistee Maxamed Siciid Cabdi, oo ay jir dileen markii danbena toogteen isaga oo aan hubaysnayn, hase ahaatee isku dayeyey inuu badbaadiyo gabar reer guuraa ah oo Askarta Somaliland ay doonayeen inay ku kufsadaan meel ka yara baxsan degmada Yube ee Gobolka Sanaag ayaa hadda Askarigii dilka gaystay waxa la geeyey magaalada Ceerigaabo.

Askarigan dilka gaystay ayaa ka midka ahaa Ciidanka Somaliland ee la soo wada jeeda beesha Isaaq, ee xoogga ku jooga degaankaas ayaa ahaa garabka beesha Habar jeclo.

Maamulkii Somaliland ee uu ka tirsanaa Askarigani intii ay caddaalasda hor keeni lahaayeen saacaddii uu dilka gaystay ayeey siddii dhaqanka u ahayd waxay sameeyeen inay la baxsadaan oo ku qariyaan Guri ka mid ah magaalada Ceerigaabo.

ASAKARIGII SNM EE DILKA U GAYSTAY MAXAA LAYGA CELINAYAA INAAN KUFSI SAMEEYO

Beesha Warsangeli oo wiilka la jir dilay lana toogtay uu ka dhashay ayaa iyaguna ka aamusay oo ila hadda Siyaiyiintooda iyo Isimadoodu ka hadlin. Sidoo kale Ha’aydaha xuquuqul insaanka ee labada maamul iyo dawladda federaalka ayaa iyaguna war ka soo saarin wiilka loo dilay dilka nacaybka ku salaysan .

Ugu danbayntii maamulka Puntland iyo madaxda u shaqaysa maamulkaas oo ahayd inay ka fal celiyaan dilkan foosha xun ayaa iyaguna ka aaamusay, waxaana ka sugaynaa jawaabta ay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*