25th November 2024 admin Category :
Saskii aan ka qaaday hawlgalkii Soomaaliya wali ma hilmaamin
Waxaa 29 sano laga joogaa markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, taaso horseeday dagaal sokeeye oo halakeeyay dalkaasi sanado badan.
Xalaaddii ban’aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramad Midioobay loo diro Soomaaliya.
Inkabadan labaatan askari o katirsanaa hawgalka Qaramada Midoobay aya lagu dilay Muqdisho, taasoo keentay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay amraan in lasoo xiro Jeneraal Ceydiid, maadama lagu eedeeyay in isaga uu ka dambeeyay dilka ciidamadii Qraamada Midoobay.
Amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliyay in ciidmaada Mareykanka ay Muqdisho ka fuliyaan hawgal la doonayay in lagu soo qabto Jeneraal Ceydiid, taas oo keentay in Muqdisho ay ku dagaalamaan jabhadii USC iyo ciidmaada Rangers ee Mareykanka.
Jeff Struecker oo ah Jeneraal hore Mareykan ah oo hawgalb ah balse horay uga tirsanaa ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Rangers ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu kaga sheekeeyay hawgalkii uu qeybta ka ahaa ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya sanadkii 1993-dii.
Jeff Struecker oo inta aanan hawgalka “rajo soo celinta” loo dirin ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka, horayna uga soo dagaalamay dalal ay kamid yihiin Kuwait, Panama, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa waxaa uu sheegay in ujeedkii Soomaaliya loo geeyay ay ahayd sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, waxaana uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii.
“Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn Ceydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka”ayuu yiri Jeneraal Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta American veterans Centre.
Jeff wuxuu sheegay in cabsidii iyo argagixii uu kala kulmay hawgalkii lagu so qabanayay Ceydidi uu ahaa mid uur ku taala ku noqotay, waligiina aanu hilmaamin.
Jeff oo dhawr sano kahor hawgalka guursdaay ayaa sheegay in uu aaminay in aanu dib dambe u arki doonin xaaskiisa iyo canuga ay caloosha ku siday marka la ego xaaladii uu xilligaas ku sugnaa, maadaama uu hogaaminayay hawgalka.
Wuxuu intaa raaciyay, “saskii aan ka qaaday hawlgalkaas uu wali maksaxdiisa ka guuxayo”.
“Waxaanu aadnay suuqa bakaaraha o ah halka ay ku sugnaayeen Ceydiid iyo saraakiil kale oo la socotay, markii aan halkaas u dhaqaaqnay ayaa wadooyinka Muqdisho waxan kala kulanay wax aan maleysaneynin, qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ila socday ee saarnaa baabuurka gaashaamana ee Humvee waa ay dhinteen, kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii dhexda la inoo galay”, ayuu raaciyay.
Dhowr daqiiqo kadib taliyihii hogamainayay ciidanka ayuu sheegay in uu lasoo hadlay kuna amray in ay dib uga soo laabtaan magaalada,” waxaana bilaabay in aan duceysto maadaama aan yaqiinsaday in aan dhimanayo.
Afarta bishii Oktoobar ayay ahayd markii la soo riday diyaaradii loogu magac daray Black hawk down ee ay ku dhinten ciidamada Mareykanka ee la sheegay inay gaarayeen 18 askari, waxaana xilligaas la sheegay in sidoo kale Magaalada Muqdisho lagu dilay dad badan oo rayid ah.
Jeff oo labaatan sano kadib dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 2013-ka ayaa waxaa uu sheegay in Alle mahadii ay tahay in markale uu Muqdisho tegay isagoo aanan cabsnaeyn.
“Waxba ma aanan dareemin ilaa iyo inta aan dib uga laabtay Muqdisho, Alle ayaa I badbaadiyay, mana doonayo in aan seego fursadda labaad ee u Alle I siiyay in aan ku noolado,”ayuu yiri.
Hawgalkii rajo soo celinta ayaa ahaa mid ay hogaaminayeen ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa. Ujeedka hawgalka ayaa xilligaas lagu sheegay in lagu difaacao Qaramada Midoobay iyo sidii loo dejin lahaa colaadda Soomalaiya, gargaarna loo gaarsiin lahaa dad badan oo xilligaas baahi u dhimanayay, kuna sugnaa Koonfurta Soomaaliya.
Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay ciidamadii nabad ilaalinta ee ka socday dalka Pakistan, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu meelmariyay qaraar tirsigiisu ahaa 837, kaas oo dhigaya in tallaaba walba ay qaadi karaan, si gargaar loo gaarsiiyo dadka Soomaalida.