26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Duulista Hawada  Oo Kulan La Qaadatay Xog-hayaha Guud Ee Hay’adda Duulista Adduunka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan gaar ah la qaadatay Xog-hayaha Guud  ee Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO , Mr. Juan Carlos Salazar iyo madaxa Hay’adda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika , Mr. Barry Kashambo.

Kulanka ayaa looga hadlay sii amba-qaadida , iskaashiga , taageerrada iyo horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Kulanka wuxuu mudnaan u lahaa dadaaladeenna horumarinta maamulka iyo adeegga Duulista Hawada , waxaana hoggaanka ICAO ay ballanqaadeen inay xoojin doonaan taageerrada Soomaaliya , si looga miro-dhaliyo hiigsiga aan ku dooneyno hay’adeenna Duulista Rayidka inay noqoto mid heerka u sarreeya.”  Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay kulanka ka dib.

Xog-hayaha Guud  ee Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO , Mr. Juan Carlos Salazar iyo madaxa Hay’adda ee Bariga iyo Koonfurta Afrika , Mr. Barry Kashambo ayaa si wadajir ah u boggaadiyay dadaallada iyo horumarrada ay gaartay Hay’adda Duulista Rayidka.

Kulamadan ayaa barbar socday ka qeyb galka Soomaaliya  ee shirarkii 41-aad ee golaha hay’adda duulista hawada ee ICAO oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Montreal ee Dalka Canada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*