26th July 2024  admin  Category :

Saraakiil hawiye ah oo Muqdisho ka qoranaya Maleeshiyaad

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho laga sameeyay howlgal lagu baadi goobayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda oo amar lagu bixiyay in lasoo xiro, si hub ka dhigis loogu saameyo, hayeeshee lagu guuldarreystay in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha oo u baxsaday duleedka barri ee Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay guriga korneyl lagu magacaabo Maxamuud Mas-dille, iyagoo la xusay inay si xun ula dhaqmeen qoyska korneylka, wallow isaga uu xiligaas maqnaa.

Mas-dille oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in si sharci darro ah xalay loo galay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, uuna ka xun yahay falkaas oo ay sameeyeen Ciidamo hubeysan, wuxuuna tilmaamay in la xiray qaar kamid ah ilaaladii gurigiisa joogay iyo dad kale.

Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Milateriga ee amarka lagu bixiyay in lasoo qabto ayaa kala Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre, kuwaasi oo qaarkood maalo kahor uu dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*