19th April 2024  admin  Category :

Maxay noqon lahayd jawaabta Maamulka Puntland iyo shacabka Majeerteen ee magaalada Garowe ay ka  bixin lahaayeen  haddi tan mid la mid ah  ay kaga dhici lahayd magaalada Muqdisho.

Ka waran haddii magaalada Muqdisho Guri ku yaal  laysugu keeno Xubno ka soo wada jeeda beesha Hawiye oo ka kooban 48 xubnood,  oo ay soo xuleen guddi  ka kooban Todoba qof  oo  iyaguna ka soo jeeda beesha Hawiye. Haddi lagu  yiraahdo 48 Xubnood  waxaad u codaysaan Kursiga xildhibaanka Aqalka sare ee  gobolka Nugaal oo ay ku wada tartamayaan labo Musharax oo ka soo jeeda beesha  Hawiye iyo  Xildhibaan Jinni Boqor oo metalaya beesha Majeerteen. Markii ay codeeyeena  ay  natiijaddii xildhibaanka aqalka sare ee  gobolka Nugaal ay noqotay sidan:  Beesha Duduble, Hawiye 38 cod halaka beesha Ciise maxamuud iyaguna heleen 0

Tan mid la mid ah ayaa dhowaan  ka dhacday magaalada Muqdish,  oo halkaa  lagu qabtay  tartankii  Xildhibaankii aqalka sare ee Gobolka Sanaag.  Waxaana sharci daro lagu qaatay xildhibaankii Aqalka sare ee gobolkaas

Maamulka Puntland arintan aan sharciga ahayn ah oo qabyaaladda aan gabashada lahayn lagu sameeyey , laguna qaatay xildhibaankii aqalka sare ee Gobolka Sanaag waa ka aamusan yihiin ilaa haddana kama hadlin. Guud ahaan shacabka Gobolka Sanaag waxay sugayaan jawaabta  iyo mowqifka  maamulka Punland.

Shacabka Majeeteen ma laha Isim maanta Cadaado jooga oo dhabar jebinaya beeshiisa sida qaar ka mid ah isimada Warsangeli oo  maanta ku sugan magaalada Hargaysa, iyaga oo qaban qaabinaya shir lagu qabto magaalada Hadaaftimo oo beesha  warsangeli la hoos heeyo SNM . Sidoo kale ma laha Caadiqaate iyo Marabi ay danta guud ay kala weyn tahay maalintaas oo caloosha loo buuxiyo. Haddi ay jiraan kuwo la mid ah sida Jini Boqor waa la go’doomiyaa waxna lama waydiiyo , iyagaana marka danbe iska quusta soo siyaasadda ka jada . Sidaas awgeed waa adag tahay in tan la mid ah beeshaasi ay Muqdisho ku qabsato

https://youtu.be/DnyS0OWpZ6g

ALLSANAAG.COM

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*