26th April 2024  admin  Category :

Muwaadiniin Reer Yaman Ah Oo Dowlada iyo Shacabka Puntland Uga Mahad Celiyay Sida Loo Soo Dhaweeyey.

Islam Cabdalle Saciid waa masuulka ugu sareeya qaxootiga reer yamen ee dhawaan kusoo qaxay dowlada Puntlnad looguna gurmaday si aan kala har lahayn dadka iyo dowlada Puntland waxaana uu sheegey in imaatinkooda Puntland si wanagsan loo soo dhaweeyay lana dajiyay meelo wanagsan.

Islam Cabdalle Saciid mar uu ka hadlayay labo muwaadin oo reer yaman ah kuwasi oo ku dhintay magaalada qardho ayaa uu sheegay in dowlada iyo shacabka Puntland door muuqda ka qaateen aaska marxuumiintaas iyagana xataa laga bixiyay kharaska ay Gardho ku tageen xiligas oo Garowe ay joogeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*