28th March 2024  admin  Category :

Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Oman Oo is-hortaagay Maxaabiis Reer Puntland Oo Bossaso la keeni lahaa. Balse Safiirka haloo sheego Reer Puntland Oman bay Dhaxal ku lee yihiin.

Dalka Oman ayaa Fasaxay Maxaabiis Soomaali ah Oo Reer Puntland ah kuwaasoo Diyaarad Oman Air lagu keeni lahaa Magaalada Boosaaso Oo 30-Daqiiqo u jirta Magaalada Salalah.

Waa Nasiib-daro Iyo Cadownimo weyn in Safiirka Soomaalidu is-hortaagay Maxaabiistaas in aan Boosaaso la keenin Oo Mogadishu la geeyo kaddibna Xabsiyada Mogadishu lagu iibsado sidii Caadada ahayd Amase Qaarkood lagu badasho Dadka la Tooganayo. Reer Puntland waa Dad Nasiib-daran Balse Nasiib leh Oo Shar walba Iyo Dhib walba Oo loo Maleego Eebbe waa ka bad-baadiya. Waxaa Farxad ah in Maxaabiistaan Bossaso la keeni doono Maalmaha soo socda Insha Allah. Waa Mahadsan yihiin Jaaliyada Reer Puntland Ee Baasaboorka Cumaan haysta Oo ku Guuleystay in Maxaabiistaan ay helaan Xuquuqdooda lana geeyo Puntland.

Xaaji Sakaeiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*