18th April 2024  admin  Category :

Waa wada Irir Samaale oo ay weheliyaan labo siyaasi oo u caraysan beesha Majeerteen oo ka soo kala jeeda beelaha Dhulbahante iyo Mareexaan

Telefishinka dowlada Jabuuti ayaa baahiyey caawa magacyada Wufuuda dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland ku metelaya shirka beri uga furmaya dalkaas.

Xubnaha la filayo in ay Soomaaliya iyo SNM kumatalaan kulanka Jabuuti ayaa kala ah

Dhinaca Soomaaliya:

1- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka soo jeeda beesaha Mareexaan

2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre, Ka soo jeeda beesha Murursade

3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Ka soo jeeda beesha Raxanweyn

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye. Ka soo jeeda beesha Habargidie

Dhinaca SNM

1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Habar Awal

2-Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Max’uud Aadan Habar Jeclo

3-Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon Dhulbahante

4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin Makaahiil / Samaroon

5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub. Habar yoonis

Kulan heer sare ah ayaa la filayaa inuu maalinta berrito ah uga furmo dalka Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu shir guddoomin doono kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in kulankaas uu ku soo qeyb geli doono shirkaas Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, hase ahaatee ma faahfaahin ajendayaasha kulanka iyo rajada laga qabo natiijo ka soo baxda.

2 thoughts on “Beelaha Harti oo laga reebay labada dhinac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*