28th March 2024  admin  Category :

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Careebiya  Daahir Geele Maxamuud, wuxua  ka mid ahaa  Argagixisadii Maxaakiimta  ee diidanaa in la helo  dawladnimada iyo  Qaran Soomaaliyeed Waqtigii madaxweyne Cabdulaahi Yuuusuf uu  dhiiga wiilasha reer Puntland  u dadinayey si dawlad Federaal ah loo heli lahaa oo nin walba oo Soomaaliyeed uu  gurigiisa ku amaan heli lahaa. Geelle  wuxuu ka mid ahaa kuwii diidanaa oo qoryaha u soo qaatay in Soomaaliya  sii ahaato  sidii ay markaa ku jirtay ee dawlad la’aanta

Maantana Soomaali oo federaal qaadatay in  madaxweynaha Soomaaliya la  hor dhigo warqad ay ku qoran tahay  Soomaaliya waa jamahuuriyad,   waa Mooryaanimadii  uuna weli  Daahir Geele ka tanaasulin. Xilkan safiirnimada Sacuudiga  madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si qabyaaladaysan ugu magcaabay. Mana ahayn in uu maanta sii hayo xilkaas oo madaxweynaha Soomaliya ka hor keeno umadda Soomaaliyeed

Intaan Xasan Culusoow safiirka Sacuudiga u magcaabin Daahir Geele

Culus.Masar

Sida Sawirka ka muuqda Madaxweynahii hore  dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow  waxaa ag fadhiya Daahir Maxamuud Geele, Oo isagu aan Dowlada Iyo Safaarada Masar ka tirsaneyn, Waxaa Iyana kasii yaab leh Safiirkii Soomaaliya Cabdulaahi Xassan oo Afka Carabiga ku ah Maclin oo jooga ayaa Daahir Maxamuud Geele u Turjumayaa Madaxweynaha.

Sawirka hoose waa Daahir Geele oo ururkii argagixisada Maxaakiimta u metelaya shir ka dhacay Suudaan Xilligii  ay jihaadka kula jireen madaxweyne cabdulaahi Yuusuf

Sheekh Axmed Bile, Dr. Max’ed Cabdi, Dr. Daahir Maxamuud Geele, Axmed sheekh C/llaahi, Axmed Cabdi Samad, Sheekh Cusmaan, Khaliif Warsame, C/raxmaan Max’ed Odawaa, C/qaadir Macallin Max’ed, Max’ed Diirshe iyo Sheekh Cumar Axmed Weheliye.

Daahi Geele ka hor intaanu  Shirkaa maxaakiimta  ee Suudaan ka qayb gelin,  Wuxuu goob joog ka ahaa

Maalintii ka horaysay socdaalkiisii Suudaan

Waxaa maalintii shalay ahayd Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah lagu wareejiyay Tikniko iyo Maleeshiyo ku sugan deegaanka Sii-Sii, halkaas oo ahayd halkii ay Maxaakiimtu ku galeen dagaal socday mudo dhowr maalmood, kaasoo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh.

Tiknikada lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta oo gaareysay labo Gaari iyo 120 maleeshiyo ayaa waxaa la filayaa in wixii haatan ka dambeeya ay ka mid noqdaan Golaha Maxaakiimta, waxaa wareejintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Golaha Maxaakiimta oo u mahadceliyay intii ka soo shaqeysay howshaasi.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay socday wareejin hub iyo maleeshiyooyin lag u wareejinayo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ugu dambeeyay Maleeshiyo iyo hubkoodii oo lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta kuwaas oo fadhigoodu ahaa Wadada Maka Al-Mukurama, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo Maxaakiimta hub iyo maleeshiyooyin ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*