26th December 2024 admin Category :
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Careebiya Daahir Geele Maxamuud, wuxua ka mid ahaa Argagixisadii Maxaakiimta ee diidanaa in la helo dawladnimada iyo Qaran Soomaaliyeed Waqtigii madaxweyne Cabdulaahi Yuuusuf uu dhiiga wiilasha reer Puntland u dadinayey si dawlad Federaal ah loo heli lahaa oo nin walba oo Soomaaliyeed uu gurigiisa ku amaan heli lahaa. Geelle wuxuu ka mid ahaa kuwii diidanaa oo qoryaha u soo qaatay in Soomaaliya sii ahaato sidii ay markaa ku jirtay ee dawlad la’aanta
Maantana Soomaali oo federaal qaadatay in madaxweynaha Soomaaliya la hor dhigo warqad ay ku qoran tahay Soomaaliya waa jamahuuriyad, waa Mooryaanimadii uuna weli Daahir Geele ka tanaasulin. Xilkan safiirnimada Sacuudiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si qabyaaladaysan ugu magcaabay. Mana ahayn in uu maanta sii hayo xilkaas oo madaxweynaha Soomaliya ka hor keeno umadda Soomaaliyeed
Intaan Xasan Culusoow safiirka Sacuudiga u magcaabin Daahir Geele
Sida Sawirka ka muuqda Madaxweynahii hore dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow waxaa ag fadhiya Daahir Maxamuud Geele, Oo isagu aan Dowlada Iyo Safaarada Masar ka tirsaneyn, Waxaa Iyana kasii yaab leh Safiirkii Soomaaliya Cabdulaahi Xassan oo Afka Carabiga ku ah Maclin oo jooga ayaa Daahir Maxamuud Geele u Turjumayaa Madaxweynaha.
Sawirka hoose waa Daahir Geele oo ururkii argagixisada Maxaakiimta u metelaya shir ka dhacay Suudaan Xilligii ay jihaadka kula jireen madaxweyne cabdulaahi Yuusuf
Sheekh Axmed Bile, Dr. Max’ed Cabdi, Dr. Daahir Maxamuud Geele, Axmed sheekh C/llaahi, Axmed Cabdi Samad, Sheekh Cusmaan, Khaliif Warsame, C/raxmaan Max’ed Odawaa, C/qaadir Macallin Max’ed, Max’ed Diirshe iyo Sheekh Cumar Axmed Weheliye.
Daahi Geele ka hor intaanu Shirkaa maxaakiimta ee Suudaan ka qayb gelin, Wuxuu goob joog ka ahaa
Maalintii ka horaysay socdaalkiisii Suudaan
Waxaa maalintii shalay ahayd Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah lagu wareejiyay Tikniko iyo Maleeshiyo ku sugan deegaanka Sii-Sii, halkaas oo ahayd halkii ay Maxaakiimtu ku galeen dagaal socday mudo dhowr maalmood, kaasoo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh.
Tiknikada lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta oo gaareysay labo Gaari iyo 120 maleeshiyo ayaa waxaa la filayaa in wixii haatan ka dambeeya ay ka mid noqdaan Golaha Maxaakiimta, waxaa wareejintaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Golaha Maxaakiimta oo u mahadceliyay intii ka soo shaqeysay howshaasi.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay socday wareejin hub iyo maleeshiyooyin lag u wareejinayo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ugu dambeeyay Maleeshiyo iyo hubkoodii oo lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta kuwaas oo fadhigoodu ahaa Wadada Maka Al-Mukurama, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu wareejiyo Maxaakiimta hub iyo maleeshiyooyin ku sugan magaalada Muqdisho.