28th March 2024  admin  Category :

Safiirka Ingiriiska oo Maanta Baydhaba kula kulmey dhamaan Musharixiinta Dowlad Goboleedka

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar oo Maanta gaarey kuna hooyanaayo caawa  magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed.

Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhabo.

Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi u dhici laheyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*