28th March 2024  admin  Category :

Aniga oo ka soo jeeda Beesha Muudeey, Fahad Yaasiin iyo C/qaadir Axmed Kheyr yaa xilka iga qaadi kara. Halkaas ayaa dawladdii Soomaaliyeed maraysa

Muddo bil ayaa ka soo wareegatay markii warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu yeeray Safiiradda Soomaaliya u fadhiyay dalalka Cummaan iyo Suudaan oo maalmo isku dhow ay ka dhaceen labada safaaradood qalalaaso sababay gacan ka hadal oo ay ku lug lahaayeen labada safiir.

21-kii bishii hore ee February ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqado u kala dirtay labada Safiir ee Soomaaliya u kala fadhiyay Cummaan iyo Suudaan C/weli Cali Axmed Jeylaani iyo Maxamed Isaaq Ibraahim, iyadoo loo qabtay in muddo afar cisho inay dalka ku soo galaan.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Isaaq ayaa soo ajiibay u yeeritaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo mudada loo qabtay ku soo galay dalka, dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Safiirka Soomaaliya ee Cummaan C/weli Jeylaani ayaa mudada loo qabtay ku imaan, iyadoo la sheegay inuu ka dhega adeegay oo aanu u hoggaansamin u yeeritaankii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee aheyd inuu dalka ku soo galo muddo 4 cisho ah.

Safiirka Kuxigeenka Safaaradda Cummaan, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda iyo Qunsulka Guud ayaa la sheegay inay u hoggaansameen amarka Wasaaradda, iyadoo mudadii loogu tala galay ku soo galay dalka, waxaana ay muddo bil ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Mr Jeylaani ayaa saddex jeer oo loo yeeray aanu dalka imaan, kaddib markii ay dacwado ka gudbiyeen Diblomaasiyiinta Safaaradda Cummaan oo ay sheegeen in xadgudub shaqo iyo gabood fallo ku kacay.

Markii u horeysay oo Safiirka loo yeeray ayaa aheyd 19 bishii December 2019, sidoo kale 6-dii bishii January 2020 ayaa sidoo kale loo yeeray, intaasna kama soo jawaabin, iyadoo mar kasta oo culeys uga yimaado Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu adeegsanayay si culeyska looga furo dhinacyo kala duwan oo gudaha dalka ku sugan, kuwaasoo saameyn ku leh siyaasadda.

Safiir Jeylaani ayaa isticmaalayo awoodaha beesha reer Aw xasan ay dowladda Farmaajo ku leeyihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Ibraahim Muudeey iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo wasiirul dawlaha arimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr oo ay isku heyb yihiin, waxaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Safaaradda ay aaminsan yihiin in Safiirka buurta uu ku tiirsan yahay ay tahay mas’uuliyiintaas, taas darteed tallaabo looga qaadi la’yahay.

Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkii gacan ka hadalka ahaa ee bishii hore ka dhacay Xarumaha Safaaradda Soomaaliya ku laheyd dalalka Suudaan iyo Cummaan ayaa bannaanka soo dhigay heerka diblomaasiyadda dhinaca dibadda ee dowladda Soomaaliya in aanay ku saleysneyn aqoon iyo khibrad, marka loo eego xubanaha la geeyay oo dad kala duwan oo dowladda galaangal ku leh ay geysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*