29th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo Guddi Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye u diray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, ayna xubno ka yihiin Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senataro ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baydhabo.

Wafdigan ayaa ah Guddi ka kooban 13 xubnood oo habeen hore la magacaabay, kaddib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye iyo Marwada madaxweyne Farmaajo ee cabashada ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa la filayaa inay magaalada Baydhabo kula kulmaan Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, iyagoo gaarsiin doona tabashada ay ka qabaan kuraasta Beelaha Hawiye laga siiyay Xildhibaannada oo ah 9 xubnood.

Kulankii habeen hore ka dhacay Hotelka Maa’ida ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii qadiyadaha beesha loo xoojin lahaa, isla markaana kulamada soo socda ay u noqon lahaayeen mid joogto ah oo ay beeshu iska war-sato xaaladaha guud ee dalka ka jira.

https://allsanaag.com/31132-2/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*