19th May 2024  admin  Category :

Sadiq Khan: Wax badan ka ogow ninka Muslimka ah ee taariikhada weyn ka dhigay magaaladii waalidkii qaxootinimada ku tageen

Duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee abid ku guulaysta markii saddexaad ee xafiiska London, mid ka mida magaalooyinka leh taariikhda qadiimigaa ee caalamka.

Khan ayaa ka guuleystay musharaxa xisbiga Conservative-ka Susan Hall. Laakiin ra’yi aruurintii doorashada ka hor ayaa u muuqatay in Khan dhibco yar ka horeeyey ninka ay loolamayeen ee xisbiga Conservative, balse waxay u muuqataa in xisbigiisa Shaqaalaha iyo dadka reer London-ba ay isaga doorteen.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka London, oo maamula doorashooyinka duqa magaalada iyo golaha deegaanka London, tirada codbixiyayaasha ayaa hoos u dhacday 1.5% kaliya marka loo eego 2021, oo ahayd ilaa 40.5%.

Kooxda Khan ayaa kalsooni ku qabtey in ay ku guuleysan doonaan tartanka kadib markii xisbiga shaqaalaha uu ku guuleystey doorashada gobolada Waqooyi-Bari iyo Galbeedka-Bartamaha ee magaalada London, in ka badan laba saacadood ka hor inta aan natiijada kama dambaysta ah lagu dhawaaqin

Ballanqaadyadiisii ahaa caasimad “ammaan, cadaalad iyo cagaar ah” ayaa soo saaray taageerayaashiisa wuxuuna sidoo kale u muuqdaa inuu ku guuleystey inuu ku qanciyo cod-bixiyayaasha xisbiyada Green iyo Liberal Democrat inay ” amaahiyaan” taageeradooda inuu markale noqdo duqa magaalada iyagoo u codeynaya doorashooyinkooda caadiga ah ee London.

Sidoo kale guusha Khan, ayaa neefka ka soo saartay xisbiga shaqalaaha ka dib markii ninkan uu difaacday rikoorkiisa wanaagsan. Ballanqaadyada kale waxaa ka mid ah in Mr Khan uu soo bandhigay ballan qaad cusub oo ah in uu dhiso 40,000 oo guryo cusub ah dhammaadka tobanka sano – ogow, ma aha dhammaadka muddada afarta sano ah ee duqa magaalad

Waa kuma Sadiq Khan

Duqa London

Awoowayaashiis waxay ka haajireen Lucknow oo xilligaas ka mid ahaa dalweynihii Hindiya, waxayna u guureen Pakistan markii laga jaray Hindiya sanadkii 1947-dii.

Aabihiis Amanullah iyo hooyadii Sehrun waxay London tageen sanadkii 1968-dii iyagoo ka tagay dalka Pakistan.

Sadiq Aman Khan, waxa uu ku dhashay London, gaar ahaan degamada Tooting oo ka tirsan koonfurta London bishii Octoober sanadkii 1970-kii.

Khan, ayaa ah qofka shanaad ee qoys Muslim suni ah oo ka soo jeeda dalka Pakistan, wuxuuna dhashay waxyar ka dib markii qoyskiisu ay u guureen Ingiriiska.

Waxaa uu ku koray guri saddex qol ka kooban oo ku yaal xaafada Henry Prince Estate ee Earlsfield, kaas oo ah guri dowladdeed oo kiro jaban looguna talagalay dadka dakhligoodu yar yahay.

Aabbihiis waxaa uu ahaa darawal Bas ka shaqeeya magaalada hadda uu maamulo ee London halka Hooyadiisna ay harqaanle ahayd.

Waxa uu dhigtey Dugsiga Hoose ee Fircroft ka dibna Dugsiga Ernest Bevin. Waxbarashada sare Sadiq Khan, Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Sharciga ee Xarunta Guildford.

Ka dib markii uu jaamacada ka baxay, waxa uu bilaabay shaqadiisa qareenimo ee xuquuqal insaanka.

Duqa London

Waxaa uu ahaa nin doodo badan ku yeeshay hab dhaqanka Booliska oo si weyn u duray, taas ayaana dhalisay inuu ahaa mid firfircoon oo afmaala.

Siyaasadda waxaa uu ka soo bilaabay degmadii uu ku dhashay waxaa uuna Tooting ku matalay xildhibaan ahaan golaha Wandsworth laga bilaabo 1994 ilaa 2006, [32] waxaana la siiyay magaca Sharafta Alderman ee Wandsworth markii uu ka fariistay siyaasada deegaanka

Sannadkii 2003-dii, Xisbiga Shaqaalaha ee Deegaanka Tooting ayaa go’aansaday inuu u furo xulkiisa baarlamaanka dhammaan musharrixiinta danaynaya.

Tartankii doorashada ee xigay, Khan waxa uu ka adkaaday shan musharax oo kale oo maxalli ah si uu u noqdo musharraxa xisbiga Labour-ka ee kursiga. Waxaa loo doortay baarlamaanka doorashadii guud ee 2005.

Inkasta oo ka mid ahaa siyaasiyiinta doorka ku lahaa horumarka doorashooyinkii xisbigiisa haddana wuxuu lahaa dabaceedad dhiirran oo uusan aragtiidiisa la gaban.

Bishii Agoosto 2006, laba maalmood ka dib markii toddobo argaggixiso la xiray isku daygii 2006 ee diyaaradda transatlantic, Khan wuxuu u saxiixay warqad furan oo u diray Ra’iisal wasaare Tony Blair taasoo ay saxiixeen Muslimiin caan ah laguna daabacay The Guardian.

Warqaddu waxay dhaleecaysay siyaasadda arrimaha dibadda ee UK iyo gaar ahaan duullaankii Ciraaq ee 2003, iyadoo lagu sheegay in siyaasadda Blair ay dhibaato weyn u geysatay dadka rayidka ah ee ku nool Bariga Dhexe oo ay siisay “saanadda kooxaha xagjirka ah ee noo hanjabaya dhammaanteen”.

]Wareysi uu siiyay BBC, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Labour-ka John Reid ayaa duray warqadaaas.

Markii xilka ka dagay Blair, xukunkana uu qabtay Ra’iisul wasaare Gordon Brown, isku shaandheynta Ra’iisul Wasaaraha Gordon Brown ee 3 Oktoobar 2008, Khan waxaa loo magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Gobolka ee Bulshooyinka iyo Dawladaha Hoose. Bishii Juun 2009 waxa loo dalacsiiyay Wasiiru Dawlaha Gaadiidka.

Sannadkii 2010-kii, Khan ayaa mar kale loo doortay xildhibaanka Tooting, inkastoo uu xisbigiisa ka soo horjeeday. Horraantii 2013, Miliband waxa uu Khan u magacaabay Wasiirka Shadow ee London.

9-kii Maajo 2016, Khan wuxuu iska casilay xildhibaannimadiisa. Markasta waxaa uu safka hore kaga jiray siyaasiyiinta ugu saamaynta badan London isagoo ka mid noqday 100ka siyaasi ee ugu sarreeya London ee ku jira ra’yi ururin sannadeedka London Evening Standard.

Xilalkii duqa London

Sadiq Khan

2016, Sadiq Khan ayaa u tartamay inuu noqdo duqa magaalada London, waxaana uu helay 57% codadkii la dhiibtay. Wuxuu noqday duqii ugu horeeyay ee Muslim ah ee London ee ka soo jeeda qawmiyadkii ugu horeeyay ee laga tirada badan yahay.

Sadiq Khan, ayaa mar kale loo doortay duqa London doorashadii ku celiska ahayd sanadkii 2021-kii isagoo ka adkaaday musharraxa Konserfatifka Shaun Bailey.

Mar kale sanadkan 2024, Sadiq Khan, ayaa dhigay rikoor an hore qof isaga oo kale ah ka dhigin London isagoo markii saddexaad oo xiriir ah ku guulastay doorashadii ka dhacday London.

Waa Aabbe leh hal xaas, Saadiya iyo labo gabdhood oo lagu kala magacaao Anisah and Ammarah.

Hadda wuxuu taariikh ka dhigay magaaladii aabihiis darawalka ka ahaa ee nolosha hoose ku soo qaatay carrunimadiisii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*