26th July 2024  admin  Category :

Hartiga degan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle in lagu khasbo qaadashada kaararka codaynta si ay u kala doortaan sadex nin oo Isaaq ah waa ihaano.

Dadka ku dhaqan goboladaasi waa kuwa leh taariikh soo jireen ah, iyagaana ka hortaagan Hargeysa inay aqoonsi ka hesho dunida.

Hadii aad jeceshahay midnimada Soomaaliya aadna ka soo horjeedid gooni isu taaga Somaliland ha qaadan kaarka codbixinta.

Marka aad qaadatid kaarka codbixinta aadna ku dhex milanto tartanka reer Shiikh Isxaaq taas micnaheedu wuxuu noqonayaa inaad aqbashay mabaadiida guracan ee Somaliland.

Ha ogolaan beel kula mida ah inay ku tumato sharaftaada iyo xuquuqdaada aasaasiga ah oo ay kuu dowladayso.

Midnimada Soomaaliya waa muqadas, fadlan ka qayb qaado ololaha lagu qaadacayo doorashada SNM.

Abdi qaybdiid hadii Gaalkacayo loogu heeso, Muuse Biixi iyo Ina Cali waraabena laascaanood loogu heeso soow Puntland aasaaskeedii lama eedin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*