26th July 2024  admin  Category :

Sacuudi Carabiya oo shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidda ee sanadkan

Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay maalmaha Xajka iyo Ciidul Adxa ee sanadkan ka dib markii la arkay bisha fiidnimadii Khamiista, taasi oo xaqiijisay bilowga bisha Dul Xaj.

Wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Maxkamadda Sare ay go’aamisay in bisha Dul Xaj, oo ah bisha 12-aad ee ugu danbeysa ee taariikhda Islaamka ay billaabatay maanta oo Jimce ah.

Xajku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana waajib ah in ugu yaraan hal mar ay gutaan dhammaan Muslimiinta, haddii ay awoodaan.

Xajka ayaa ka kooban dhowr cibaado oo lagu guto muddo afar maalmood ah, magaalada Maka iyo nawaaxigeeda ee galbeedka Sacuudi Carabiya.

Waxaa ugu muuhimsan maalinka 9-aad ee bisha, oo ah marka xujayda ay isugu soo baxaan Buurta Carafa, halkaasi oo Nebi Maxamed NNKH uu ka jeediyey khudbaddiisii ugu dambeysay.

Maalinta 9-aad ayaa sanadkan ku beegan 15-ka June, halka maalinta Ciidul Adxa ay ku beegan tahay 16-ka June, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SPA.

Sacuudi Carabiya ayaa sanad walba balaayin dollar oo dhaqaale ah ka sameysa xajka iyo cumrada.

Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay 1.8 milyan oo qof, sida ku cad tiro-koobka rasmiga ah ee dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, ayaa Tawfiq al-Rabiah oo ah wasiirka Xajka iyo Cumrada waxa uu ku yiri “qiyaastii 1.2 milyan oo qof oo ka kala yimid dalalka caalamka ayaa illaa hadda soo gaaray Sacuudi Carabiya si ay u gutaan xajka sanadkan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*