17th June 2024  admin  Category :

Maxaa Soomaaliya uga qorsheysan kursiga loo doortay ee Golaha Ammaanka?

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo u soo hoyatay dalka ay colaaduhu ragaadiyeen 30-kii sano ee u danbeysay, waxaana kamid noqoshada golahaan ugu danbeysay 1970-kii.

Miiska ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ayaa go’aaminaya sida ururku uga jawaabi karo isku dhacyada adduunka.

Waxaa golaha ku jira 10 xubnood oo aan joogto ahayn, oo ay weheliyaan shanta xubnood ee joogtada ah oo kala ah Mareykanka- , Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka.

Si loo helo kursi saameyn badan ku leh arrimaha adduunka, waddanku wuxuu u baahan yahay in uu helo taageero ugu yaraan saddex meelood laba meel oo ah ergada Golaha Guud ee codeynaya.

Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa loo doortay in ay xilkaan hayn doonaan labo sano laga bilaabo bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Kursigii loo qoondeeyay gobolka Bariga Afrika ayay Soomaaliya ku guuleysatay iyada oo aan lala tartamin waxa ayna heshay 179 cod oo u dhacday qaab qarsoodi ah madal ay ku sugnaayeen 193 xubnood oo golaha guud ah

Codeynta ka dib, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo hoggaaminayay wafdi ka ka socday dowladda kuna sugnaa New York, ayaa sheegay in Soomaaliya ay waxbadan ka faa’iideyso kamid noqoshada golaha ammaanka, sidoo kale waxa uu sheegay in muddadii dheereyd ee ay ka maqneyd xubinimada Soomaaliya loo gaaray go’aanno kala duwan balse ay haatan dowladdu kamid noqotay dadka fadhiya miiska go’aannada lagu gaaro oo ay wax ka gorfeynayaan si ay u qaataan go’aannada ugu habboon ee waddanka iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo ay matalayaan.

Wasiir Fiqi ayaa intaa hadalka ku daray “in Soomaaliya xubinnimadaan ay ku kasbanayaan saaxiibo caalami ah oo ay markii hore u codeyn jireen ama ay saffaro u gali jireen.”

Mar wasiirka wax laga weydiiyay matalaadda kursigaan oo ay ku matalayaan gobollo ku yaal bariga Afrika kuwaas oo qaarkood ay soomaaliya ay is hayaan iyo sida ay ugu cadaalad falayaan waxa uu ku jawaabay “Kursigaan oo aan ku mataleyno dalalka Bariga Africa iyo guud ahaan qaaradaba iyo ururo badan oo aan qeyb ka nahay oo itoobiya dalal badan ismaheyno balse dalkaas ayaa maaragtay nagu soo xadgudbay een anaguna aan taaganahay xadgudubka naga dhaaf ka noqo go’aanada khaldan ee aad gaartay marka runtii waxaan mataleynaa shacabka Itoobiya ayaan ku mataleynaa waxaan ku mataleynaa dad badan oo dulman oo Itoobiya ku sugan oo rajiimka meeshaas ka jiraahi uu dhibaateeyo oo codkooda la cabburiyo oo maaragtay dhibaatooyin loo geysto ayay kamid yihiin dadka aan ku mataleyno sida aan wadamada riijinka ku yaala aan ugu mataleyno’’ ayuu yiri.

Wasiirka ayaana sheegay in kursigaan “ay ku cadaalad fali doonto dowladda Soomaaliya oo aysan ka suuroobin adduunkana aysan ka aqbaleyn cadaalad darro.”

Miiska ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ayaa go'aaminaya sida ururku uga jawaabi karo isku dhacyada adduunka.
Qoraalka sawirka,Axmed macalin Fiqi, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah

Sanadku markii uu ahaa 1991-kii markii xilka laga tuuray xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxa ay dhalisay dagaal sokeeye oo socday muddo tobanaan sano ah, kaas oo u dhaxeeyay qabaa’il iska soo horjeeda.

Sanadihii lasoo dhaafay, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika (AU) ayaa door muhiim ah ka ciyaarayay sidii dib loogu yagleeli lahaa maamul dhexe.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo badan oo dalka ka tirsan.

Bilihii la soo dhaafay, dowladda ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxdaasi, iyadoo ciidamada shisheeye ay isaga baxeen, goobihii ay baneeyeena ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu leeyahay mas’uuliyado muhiim ah, waxaana uu oggolaan karaa hawlgallada nabad ilaalinta iyo cunaqabataynta caalamiga ah.

Bishii December ee la soo dhaafay, waxa ay Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd mudada dheer.

Xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha waxaa loo qoondeeyaa gobol, laakiin si ka duwan shanta xubnood ee joogtada ah, ma laha awoodda diidmada qayaxan.

Midowga Africa ayaa dabada ka riixayay in Afrika ay golaha ku yeelato laboa wakiil oo joogto ah iyo laba kursi oo dheeraad ah oo ah wakiillo aan joogto ahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*