28th March 2024  admin  Category :

Sababtii ay Soomaaliya u diidday inay ku biirto Dalladda Bariga Afrika (EAC)

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee dalka Tanzania halkaas oo uu uga qayb galay shirka dalalka ku midaysan dalladda Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa la sheegay in dhowr jeer oo hore ay codsatay ku biirista dalladan, balse wali taasi ma suurtagelin, haddaba intee ayay la eg tahay rajada laga qabo in Soomaaliya loo oggolaado ka mid noqoshada dalladdaas.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Abdikariin Ali Kaar, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in rajada ay aad u wanaagsan tahay.

“Calamadii surnaa goobta kan Soomaaliyana wuu ku jiray, madaxweynaha markii uu codsiga gudbinyayna waxa uu kula kaftamay madaxweyneyaashii kale in calanka Soomaaliya uu halkiisaas ka sii taagnaado,” ayuu yiri Abdikariin.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa yiri: “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalka ku bahoobay dalladdan. Waxaan rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanadaha soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aanu leennahay khayraad, macdan, xoolo iyo beero. Intaas waxaa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Maxaa ka jira in Soomaaliya loo diiday inay ku biirto EAC?

Monica iyo Cawad

BBC-da oo wareysi gaar ah la yeelatay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin in Soomaaliya loo diiday inay ku biirto dalladda bariga Afrika (EAC).

“Runtii ma ogi diidmo qayaxan oo Soomaaliya loo diiday inay ku biirto ururka waxaaba jirtay in sanadihii u dambeeyay ee sanadkii 2018 ilaa 2019 ay rabeen inay soo diraan guddi soo baara xaaladda Soomaaliya marka waqtigaa ma suurtagelin.”

“Dowladda Soomaaliya ayay markaas dhankeeda ka socon weysay oo ka gaabisay, marka waxay taasi muujineysay in ururka uu doonayo in Soomaaliya ay ku soo biirto.”

Cawad ayaa sheegay in sababta ay uga gaabiyeen ay ahayd in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu sii xumaanayay markaas oo uu taagnaa muranka badda ee labada dal.

“Madaxweynaha Kenya ayaa markaas guddoomiye ka ahaa ururka, taas ayaana keentay in Soomaaliya ay diiddo guddiga loo soo diray.”

Axmed Ciise Cawad
Qoraalka sawirka,Axmed Ciise Cawad

Dalalka xubnaha ka ah EAC waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, teknoolajiyada iyo sharciga.

Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is-dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.

Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay in la mideeyo canshuuraha xudduudda oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada.

Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC.

Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, dalladda EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010.

Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah.

Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay dallad goboleedka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin.

Midnimada dowladeed ee ay doonayso dalladda ayaa waxaa bud-dhig u noqon doona in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda.

Lama sheegin xilliga la gaari doono yoolkaas.

Kulankii shalay ee EAC

Soomaaliya iyo Congo

Inkastoo Soomaaliya ay codsigeeda ku aaddan xubinnimada EAC dirtay 2018, haddana waxaa laga hor aqbalay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo oo hannaankaas bilowday 2019.

Khubarada ayaa sheegaya in amni-darrada ka taagan Soomaaliya ay tahay sababta ugu weyn ee EAC ay uga cago-jiidayso inay aqbasho codsiga xukuumadda Muqdisho.

“Ku biiridda ururkan waxa ay shacabka Congo ka caawinaysaa dhinacyada ganacsiga, ammaanka iyo nabadda,” ayuu yiri Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo dhaweynayay dalkaasi.

Kaddib markii ay Congo ku biirtay EAC, ayaa waxa ay tirada muwaadiniinta hoos taga dalladdaas ay gaartay 300 oo milyan oo qof, halka dhaqaalaha waddamadanna wadar ahaan lagu qiyaasay 250 milyan oo doollar.

Congo waxay leedahay kheyraad u badan macdan, sida dahabka, dheemanka, naxaas iyo kuwo kale, hase yeeshee bariga dalkaas waxaa hareeyay colaado ka dhashay kheyraadkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*