6th February 2023  admin  Category :

RW Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhaceyso doorashada beesha Isaaq

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso  doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee beesha Isaaq , taas oo berri ka bilaabaneysa Muqdisho.

Xaruntaan ayaa ku dhex-taalla dugsiga tababarrada booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Ra’iisul wasaaraha ayaana u kuurgalay u diyaar garowga doorashada dalka, gaar ahaan kuraasta golaha shacabka ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada beeha Isaaq ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*