25th October 2024  admin  Category :

Rooble Oo Ku Amray Guddiyada Doorashooyinka Inay Ilaaliyaan Hufnaanta Doorashada

Rooble Oo Ku Amray Guddiyada Doorashooyinka Inay Ilaaliyaan Hufnaanta Doorashada

Kulankan ayuu Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ku amray Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka,maadaama waqtiga loo cayimay gabagabeynta doorashada ay sii yaraaneyso.

“Ma aqbalayo Guddiyo isbarbar socdo oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisul Wasaare sidaas darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Golaha Shacabka.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Kulankan ayaa ah mid uu u ballanqaaday golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta kadib kulankii ay shalay yeesheen,waxaa la filayaa in sidoo kale uu ra’iisul wasaaruhu kula la yeesho madaxda maamul goboleedyada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*