16th April 2024  admin  Category :

{ALLSANAAG} Magaalada xarunta aqoonta iyo cilmiga Soomaaliyeed ee Boorame ayaa dadkeedu fiidiyowgan hoose ku muujinayaan midnima jaceylkooda, wadaniyadooda, difaaca wadajirka ummada Soomaaliyeed iyo taageerida Madaxeyne Xassan Sh. Maxamuud.

Dawlada Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud waa in ay ka digtoonaataa in ay “Somaliland” uga hadasho iney metesho Reer Waqooyi oo dhan oo isku wada duuban oo dhamaan wada raba in ay Soomaaliya ka wada go’aan. Midnima jacaylka iyo wadaniyada Reer Awdal, Sool iyo Sanaag lama xaqiri karo iyadoo laga dhigayo qadiyada go’itaanka mid ay Reer Waqooyi oo dhami isku raacsan yihiin. Rabitaanka go’intaanka ay rabaan qaar badan oo ka jeeda walaaleheena Isaaqu ma aha in laga kormariyo rabitaanka walalaheena Samaroon iyo Ciise, iyo kuwa la midka ah, oo ah jacaylka midnimada Soomaaliyeed iyo wadajirkooda. Gef weyn weeye in madaxda Xamar joogta ee metesha Soomaali oo dhan marar badan ay ka dhacaan hadalo muujinayo in qadiyada go’itaanka ay ka dhigaan mid dadka Waqooyi dega oo dhami wada rabaan, sidaana ay tahay in loo waajaho.

Sida Maxadweyne Xassan u aqbalay 4.5 oo qabiil ku saleysan oo codkeeda kursiga ku yimi, waa dulmi inuu qadiyada qabiilka ilaawo oo Reer Waqooyi ka soo wada qaado dad wada raba iney Soomaaliya ka wada go’aan, oo ay tahay in la soo wada celiyo. Isaaq badankii oo keliya ayaa u baahan in dib loogala hadlo siday Soomaaliya uga mid noqon lahaayeen, ee ma ah in Reer Awdal, Zeylac, Sanaag, iyo Sool la raaciyo, oo macneheedu yahay in ay iyaguna midnimada diidan yihiin.

awdal-flag

Wada hadalkii madaxda Xamar ee Shariif bilaabay, ee sida guracan ku saleysnaa, kaasoo Awdal State oo goonida isu taagtay iyo bulshada Sool iyo Sanaag ee masiirkooda ku darsaday Puntland laga dhigay waxaan jirin, waa in dib loo saxaa. Waa in go’itaanka kooxda rabtaa laga soo qaadaa in ay wataan qayb badan oo walaaleheena Isaaq ka dhashay oo aan xaqiiqada indhaha laga qabsan. Ma aha in dadka dega former British Somaliland laga soo wada qaado in xukuumada Isaaqu sameysteen ee Hargeisa ka dhisan ay metelaan oo go’itaan rabaan.

Mar labaad waa xadgudub weyn in go’itaanka Waqooyi si guud loo waajaho iyagoo wadahadalka lagu bilaabayo “Reer Waqooyi” la soo wada celinayo kuwaasoo sheeganaya in “Koonfur” dulmisay oo xaqdaro iyo xadgudub ay Koonfur ku sameysay taa ku kaliftay. Koonfur wada jirta oo Waqooyi gaar u dulmisay weligeed ma dhicin; qabaa’il Soomaaliyeed oo marba mid la dulmiyey ayaa jira.

Haddii Madaxweyne Xassan ku dhaco khaladkii Shiikh Shariif, oo ah inuu qabaa’ilka midnimada u taagan ee Waqooyi dega uu ka saaro meesha, isagoo “Somaliland” sidii Reer Waqooyi oo wada socda wada hadalka ugu furaya, waxaa waajib ku ah Awdal State iyo Puntland in ay ka tashadaan masiirkooda. Wada hadal ku saleysan hab dhaqan kasta oo u keeni kara, si toos ah ama aan toos aheyn oo ah hoos-gelis, inuu dhaawaco ama dumiyo midnimda ummada, haddii la keeno, Soomaali ma sii wada joogi doonto. Waa in aasaaska wada hadalka lagu saleeyo in dad badan oo ISAAQ ka dhashay, oo xukuumadii Somalia, taasoo qabiil kastii ku jiray, dulmi ka soo gaaray, rabaan iney go’aan. Haddii qabiilka “Isaaqa” oo isticmaalaya magaca “Somaliland” laga soo qaado in lala hadlayo, waa la fahmi karaa. Isfahamka waa in ay taasi ku jirtaa. Waa in aan waxba laga soo qaadin ashkhaasta Dhulbahantaha, Warsangeliga iyo Samaroonta ah oo laga yaabo iney Isaaqu miiska “Somaliland” keenaan sida aan waxba looga soo qaadeyn ashkhaasta Isaaqa ah ee miiska Dawlada Soomaaliyeed soo fadhiisan kara. Haddii madaxda Isaaqa ee Xamar jooga dawladu Soomaaliyeed ka aqbaleen in aaney Hargeisa meteleyn, waa in ay aqbaaln madaxda Warsangeli, Samaroon iyo Dhulbahante u dhashay ee Hargeisa jooga iyana inaaney dadkooda meteli karin. Awdal State baa metesha Reer Awdal; Puntland baa metesha Sanaag iyo Sool.

Haddii madaxda Koonfurta Soomaaliya ee midnimada ummada lagu aaminay ku furaan wada hadalka Maamulka Hargeisa lala gelayo hannaan soo gelinaya meesha in dad Soomaaliyeed oo wada socda oo Waqooyi degaa wada rabaan in ay Koonfur ka wada go’aan, waxaa waajib ku ah in PUNTLAND iyo AWDAL State dib u fiiriyaan ka sii mid ahaasha xukuumadaa Muqdisho. Haddii cid kasta oo “go’itaan” sheegata duuduub sidan loogu eegayo, PUNTLAND waa iney diyaar u noqoto suura gal ahaashaha in ay ka go’i karto dawlada XAMAR. Ha ogaadeen madaxda XAMAR in WAX SOOMAALIYA la yidhaadho aaney jiri doonin, oo aan XAMAR caasimada u noqon doonin PUNTLAND, haddii rabitaan go’itaan duuduub wada hadalka lagu saleeyo. Haddii ninka Burco degani rabo inuu Baraawe ka go’o, ninka Boorame iyo Badhan deganin inuu Burco iyo Berbera ka go’i karaa u banaan. Haddii taa meesha laga saarana, waxa u wada banaan iney Xamar ka wada go’aan. Midha darey nin jecelow ku leq adigu duuduub.

Jubaland xitaa ha ku darsato qorshaha in ay xadkeedii caalamiga ahaa ee la aqoonsanaa ee qadiimka ahaa oo u dhaxeeyey Italian Somaliland ee ay lahayd ka hor 1925, waa markii laga soo jaray British East Africa oo Italian Somaliland lagu daray, in ay dib u jeexato iyadoo Xamar ka go’eysa oo dawlad madax banaan noqoneysa. Haddii Dalwada Muqdisho ka dhisani ay qabyaalad, jeesjees, midnimo dumin iyo fiiri dheeri la’aan ay ku bilaabaan qadiyada la xidhiidha dhawrida midnimada Soomaaliyeed, sida Puntland uga tashan doonto masiirkeeda ayey Jubaland uga tashan doontaa keeda. Ama Soomaali waa wada joogi doontaa ama way kala wada go’i doontaa. Labadaa wax uma dhexeyn doonaan.

Soomaaliya iney kala daadato ayey noqon doontaa haddii Madaxda Xamar ay marin habaabiyaan aasaaska wada hadalka Soomaalida colaada ku raagtay wada geli doonaan si ay midnimadooda u wada ilaashadaan.

REER BOORAME HA NOOLAADEEN. VIVA FOR AWDALITES. Laascaanood in militari ahaan loo haysto waa la ogaaye, maskax ahaana ma loo heystaa? Ma soo duubi kari waayeen Reer Laascaanood cajiladan tan oo kale ah?

Mar labaad GUUL FOR Reer Awdal. Sii wada soo duubitaanka cajiladahan oo kale ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*