29th March 2024  admin  Category :

Kulankii Farmaajo iyo Biixi , Sool waa dhul lagu muran san yahay maxaa xiga doona.

Waxaan booqday websityada ku hadla magaca Beesha Dhulbahante, si aan u ogaado waxay ka qoreen Hadalkii Edeb darada ahaa ee lagu sheegay in gobolka Sool uu yahay gobol lagu muran san yahay , ayna ka mid tahay siyaasadda dhaqaale ee dawladda federaalka Soomaliya uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Khaatumo news, oo arintan si fiican wax uga qoray maahee, inta badan websiyada kale waxa maanta cinwaankoodu ahaa “Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Arimo Xasasi ah iyo Shirkii uu qabtay Muuse Biixi Muxuu ka yidhi Dagaalka Gobolka Sanaag.

Maanta Gobolka Sool, waxa lagu sheegay Degaan lagu muran san yahay, oo aan la mid ahayn gobolada Soomaaliyeed inteeda kale. Gabiileey iyo Lughaya laguma sheegin dhul laysku hayso ama inay degaan Beel Soomaalinimada neceb.

Dhowrkii Bilood ee aynu soo dhaafayn in Sool yahay dhul lagu muran san yahay, labo arimood oo kale oo fool xun ayaa ka horeeyey. Mana jirin cid canbaaraysay ama ka hadashay

Shirkii Wadatashiga Puntland ee dhowaan lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Federaalka, Cabdilaahi Bidhaan Warsame , wuxuu halkaa ka sheegay hadal Gaf ah, oo ahaa in beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ay beesha Isaaq gacanta ku hayso. Arintaasi waxay ahayd fariin loo soo dhiibay oo la doonayey in bulshada goboladaa degtaa laga dhaadhiciyo in degaanadooda yihiin dhul laysku haysto. Si marka doorashadu timaado loo yiraahdo, Sool iyo Sanaag waa dhul laysku haystee oo doorasho kama dhici kartee ee sida Dirta Waqooyi Muqdisho ku qabsada doorashada Xildhibaanadiina oo halkaa la sii gaysto dhowr la mid ah Ina Cali koore iyo Indho case.

Arinta Bidhaan waxa ka horaysay in Xafiiska ra’isul wasaaraha Ethiopia ee magaaladda Adis-ababa ay kulan ku yeeshee madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo horjoogaha SNM Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo qaatay muddo 40 daqiiqo ah ayaan la ogayn waxyaabaha iyo qodobada ay ka wada hadleen madaama kulanku uu ahaa mid labadooda kaliya wada qaateen iyadoo ayan cidna ku wehelin.

Ugu danbayntii markaad argato Laascaanood oo tobon sano la haysto, markaad akhridid Soomaaliya xornimada waxa u keenay 15 wiil oo Muqdisho joogay oo aan Daraawiish la soo hadal qaadi waayo , marka aad maanta aragto dhulkii Daraawiishta oo lagu sheegayo inuu yahay dhul lagu muran san yahay, waxa kuu soo baxaysa in guud ahaan beelaha Harti iyo maamulka Puntland ay fashil yihiin. Farmaajo iyo Saadiq Warfaa kuma soo deg degayn in Sool lagu muran san yahay. Maxaase xigi doona oo ay oran doonaan . Waxaanu leenahay haddaanu nahay bulshada ka soo jeeda Sool, Sanaag, Bari, Nugaal iyo Mudug, waxaanu wada nahay reer Sool.

Allsanaag.com, news@allsanag.com

2 thoughts on “Reer Sool ayaan wada nahay

  1. Mustafa Mohamed Noor Jarafle

    ????
    Mar hadii askri isaaqi joogo laascaanood
    Way oranayaan Muse iyo Faysal in gobolka sool lagu muransanyahay.
    Ta kale nimanka dhulbahante waa arin u taala inay iska dhiciyaan wixii edeb daro la soo doonta.

    Reply

Leave a Reply to Mustafa Mohamed Noor Jarafle Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*