25th October 2024  admin  Category :

Haddii kaadhadhka  beesha Isaaq ay Warsangeli wax u tarayaan ama u soo kordhinayaan , labadan nin ee muuqaalka hoose ka muuqda waxay ka soo jeedaa labada jufo ee  degaanka ugu weyn ka dega inta ay xukunto  degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.  Jufooyinka Nuux Cumar iyo Bah ogayslabe ee beesha warsangeli.   Labaatan sano waxa degmada Ceerigaabo iyo degaanada hoos taga oo ay ugu badan yihiin  ugu  dawladeenayey  Ismaaciil Xaaji Nuur iyo beeshiisa oo  horay u degi jirtay  dhakada buurta Surad . Waa kuwa raali ka ah in Habar yoonis iyo Isaaq degmada Ceerigaabo iyo degaanka hoos taga ay ugu  ugu dawladeeyaan.

Maanta nimanka noocaas ah, oo raali ka noqday bahdilaada iyo degaan wareejinta dhulkooda, ayaa  bulshada kale ee reer  Maakhir ee aaminsan In Beeli beel kale ayna  diiwaan gelin karin  ama tiro koobi karin , beelina beel kale u dawladeen karin , ayaa   waxay ugu baaqayan inay qaataan Kaadhadhaka Isaaq ay ku doonayaan in gobolka intiisa kale qaataan ama la wareegaan.

https://allsanaag.com/saldanada-maakhir/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*