18th April 2024  admin  Category :

Muuse Dalaf iyo Maxamuud Xaamud oo reer guuraagii Beelihii ay ka soo jeedeen ee Warsangeli ay ka harsan l’ayihiin, iyaga oo laaluush ku siinaya inay is diiwaan geliyan oo ay ka mid noqdaan beesha Isaaq

Muuse Dalaf oo ugu magcaaban maamulka SNM Taliyaha Gobolka Sanaag, oo horay warbixin ay ka qortay Qaramada midoobey ku sheegeen inuu shidaalka iyo sahayda u gayn jiray hogaamiyihii hore ee alshabaabka buuraha Calmadow ATOM.

Dhowaana sida la sheegay gacan ku siiyey alshabaab qabsaday qaybo ka mid ah buuraha Calmadow ayaa maalmahn danbe maamulka SNM waxay u xil saareen inuu seexaradahooda geeyo degaano ka mid ah gobolka Sanaag. Meesha ugu fudud uu sanaadiiqdan gayn karaan Muuse Dalaf iyo wiil uu adeer u yahay ku magcaaban wasiir ku xigeenkaq gaadiidka maamulk SNM ayaa waxay noqotay reer Guuraaga beesha Dubeys ee degan inta u dhaxaysa Dhahar iyo Baraakaha Qol.

Sidan oo kale Maxamuud Xaamud iyo Ina Cali Nugaal ayaa seexaradahan u geeyey reer Guuraaga beesha ay ka soo jeedaan ee Aadn Siciid, iyaga oo halkii warqad ugu bdelaya lacag aan badnayn

Mustafe Godane ayaa isaguna isku dayey inuu ku awrkacsado Garaad Cabdale, hase ahaatee waa laga diiday oo isaguna hadda reer Guuraaga Bahogayslabe ayuu u diiwaan gelinyaa beesha Isaaq

Aduunka intiisa kale marka ay Doorasho dhacayso waxa lagu xisaabtamaa meesha ay Dadka ugu badani ku nool yihiin sida codad badan looga helo.

Baadiyaha Dooxa dheer iyo magalada Badhan. waxa lagu xisaabtami lahaa magaalada Badhan. Laakiinse maamulka SNM iyo marabbidoodu oo aan sida caalamku u shaqeeyo aan u shaqayn oo ayna ka dhab ahayn in doorasho xalaal ah ay dhacdo ayaa musuqmaasaqan ugu badisaa iyo in Dhaanka reeer Guuraga dhabada loo istaago oo aan magaalooyinka la tegin

Haddii Anan Dhulkaygow

2 thoughts on “Reer Guuraagooda iyo Sanaadiiqda SNM

  1. Jirac

    Waxba ma’ahan hadba mid sandareerta soo qaata ama soor quudheed calooshiis u shaqeyste ilaahay idinkiis masruuca isku tashiga weyn “markaynu dhisno dekeda laasqoray” iyaka ayaa Han yeelan oo uma baahanayaan sandareerto insha Alaah.

    Reply
  2. Ali Jama

    Iska hadle waa ina Egare, adeer Wersageli waa Somaliland ama bood ama dhaca, xinka waxaa lagu yaqaan dumarka, cadceeda sacabada laguma qarin karo, indhahaaga oo shan ah bay iman tani, adeer kala dooro Somaliland ama Hawiye , illeen Puntland diide eh

    Reply

Leave a Reply to Jirac Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*