26th July 2024  admin  Category :

Reer Guuraaga Calmadow iyo ganacsatada Boosaaso yaa u baahan in cunaqabatayn lagu soo rogo?

Wadamadda reer Galbeedka ee dagaalka kula jira Dadqalatooyinka iyo argagixisaada  caalamiga ah , waxay ogadeen sababta qura ee loola dagaalami karo, oo   looga adkaan karo kooxahan dadka diIsha  inay tahay wada shaqayn dhab ah oo  dhex marta Bulshada degaanka iyo ciidamada amniga.

Laakiinse maamulka Puntland mid ka duwan arinta Caalmka  ayeey iyagu  qaateen,  oo waxay cunaqabatayn ku soo rogeen   reer Guuraagii buurta Calmadow oo  markii horeba ay argagixisadu  dhibaateeyeen oo ay hadda  u  sii dheer tahay abaar xun.  Taasina maaha mid kalsooni ku abuuri karta bulshaddii la doonayey inay ka war keenaan dadka dhibaateenaya, Waxayna sababi kartaa amni xumo hor leh iyo kala shaki .

Hadaba maamulka Puntland goormay sharciga hor keenayaan  ganacsatafa Boosaaso qaarkood oo ku kacay danbiyada Lacag been abuur ah oo la sameeyey,  Raashinka caalamku ku deeqo oo ay ka  gataan siyasiyiin tuuga ah , marka danbena qiimo badan kaga iibiyaan Danyarta.

Ganacsatadan qaarkood ayaa raashinka geeya Buurta Calmadow, Ganacstadan qaarkood ayaa Gawaaridooda lagu qaadaa raashinka la geenayo Calmadow  , ganacsatadan qaarkood ayaa si ay lacag uga sameeyaan argagixisada waxay ka kireeyaan Guryahooda, iyo Huteeladooda. Ganacsatadan ayaa telefoono magac Iiyo  SIM CARD been ah ugu fura Puntland  . Ganacsatadan ayaa ku abtirsada ama qabiilkoodu yahay  Beeso ama lacag.

Reer Guuraaga Buurta Calmadow, oo markii horeba dhibaataysnaa in dhibkii haystay dhib  kale loogu sii daro,  loogama guulaysan karo la dagaalanka argagixisada iyo Dadqalatooyinka, oo waa  arin aan si fiican looga soo fakerin,  waxay keeni kartaa  reer Guuraaga Calmadow oo cunaqabatayn la saaro  in  cadowga Puntland sida SNM in ay taageero ka helaan bulshada  qaarkood siddii horay u dhacday. maanta waxa jira cadow badan oo ay  Puntland leedahay oo dhegta u  taagaya fursad ay helaan

Ugu danbayntii Bulshada Calmadow ku nool iyo guud ahaan Puntland, waxay labaduba  doonayaan in degaanada ay degan yihiin ay  nabad ugu noolaadaan oo ay ka saaraan cadowga ku soo duulay  . Hadaba si tani u hirgasho waa in la helaa kalsooni buuxda oo dhex marta Bulshada Puntlandiyo Ciidanka amniga .

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*