26th July 2024  admin  Category :

Arrin aan laggu maqlin, lagguna arkin dalka Soomaaliya ayaa ka dhacday meel magaalada Muqdisho aan ka foggeen. Arrintan oo ah mid aan qof islaam sheeganaya aysan ka suurtoobin ayaa ah in xoolo nool lagu xiray meel garaashyo ah muddo soddon cisho ku dhaw. Xoolahan ayaa biyo la’aanta iyo wax ay cunnaan aan la siin mudadaas, taasna waa midda sababtay in ay iyagii is cunnaan.

Meesha ay arrimahaan ka dhacayaan waxaa ka agdhawaa dad Soomaaliyeed oo intii aysan heerkan gaarin aan soo sheegin, raggii ka danbeeyey dhacdadaan fawsha xunna waxeey ku raaxeeysanyaan hotel Jazeera.

Hadaba musharixiinta cusub ee madaxweeynaha iyo baarlamaanka cusub waa ineey arrintaan ka hadlaan, kuwii falkaas geeystayna waa in la marsiiyaa talaabada ku haboon, waxaana kow ka ah:

Ragga garaashyada ka kireeyay ee u oggolaaday in xoolaha lagu xirro meeshaas;

Kuwii xoolaha lahaa oo qaar ay deggan yihiin hotel Jazeera;

Inta kalle ee lagu tuhmayo ineey iyaguna qeeyb ka ahaayeen.

https://youtu.be/ktWJnOtDkCY

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*