26th July 2024  admin  Category :

Reer Beledweyne oo ku Dowlada Federalka ku eedeeyay inaysan gacan ka geysan kahortagga fatahaada Beledweyne

Ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inaysan gacan ka geysan sidii loogaga hortagi lahaa fatahaadaha ku soo laablaabta magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Guddiga kahortagga fatahaadaha magaalada Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay in guddiga oo bilaabay in ay biyo xireeno u sameeyaan magaalada Beledweyne aysan wax kaalmo ah ka helin dowlada federalka.

“Wax kaalmo ah oo aan ka ahayn jawaano carro lagu shubo oo ay dowladu na soo gaarsiisay ma jiraan waana been lacag 500,000 oo dollar oo dowladu ugu deeqday kahortagga fatahaada wabiga Shabelle,”ayuu yiri Xaaji Cismaan Dhagaxow oo u waramayay laanta afka soomaaliga ah ee VOA-da.

Xaaji Dhagaxow ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen isla markaana biyo xireeno ka dhiseen duleedka magaalada Beledweyne ayna sii wadaan sidii loogaga hortagi lahaa fatahaada wabiga Shabelle.

“Lacag ka soo hartay kaalmadii ay heleen shacabka Beledweyne sanadkii hore gaar ahaan lacag ay Somaliland soo gaarsiisay guddiga gurmadka ayaan ku wadnaa howsha kahortagga fatahaadaha”ayuu sii raaciyay Xaaji Cismaan Dhagaxow.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa magaalada Beledweyne waxaa saameyn ku yeeshay fatahaado sababay in inta badan magaalada Beledweyne laga barakaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*