26th April 2024  admin  Category :

Boqolaal Malayshiyo Beeleed Ah ayaa Maanta laga aruuriyey Deegaanada Degmada Waaciye Ee Puntland,Kuwaas oo loo qaaday Jiida Hore ee Deegaanka Tukaraq.

Dhowr Baabuur oo Kuwa Xamuulka Ah Ayaa Goordhowayd ka dhaqaaqay Degmada Waaciye,kuwaas oo Siday Malayshiyo Beeleed ka soo jeeda beeshaAxmed Harto oo  ka qeyb noqon doona Xoreynta Gobolka Sool Ee intiisa badan jabahadda  SNM haysato.

Malayshiyadan ayaa laga soo aruuriyey deegaanada Degmada Waaciye,iyagoona lagu kordhinayo Malayshiyo kale oo horey usii joogay Jiida Hore ee Tukaraq,kuwaas oo iyaguna kasoo jeeda Deegaanada Degmada Waaciye.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxa isku horfadhiya Ciidamo ka  kasoo kala Jeeda jabhadda SNM  iyo Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*