26th July 2024  admin  Category :

Maamulka Galmudug oo cashar xun ka bartay Hargaysa

Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday maamulka Galmudug gaar ahaan Wasaarada Qorsheynta maamulkaasi.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay banaan bax ay uga soo horjeedaan mashaariic Degmooyinka Galmudug laga fulinayo uu maalgalinayo Midowga Yurub kaa oo laga reebay Degmada Balanbale.

Sida aan wararka ku helnay Mashaariicdan Midowga Yurub taageerayo ayaa loogu tala galay in laga hirgaliyo ilaa shan degmo katirsan Galmudug, waxaaa booska degmada Balanbale lagu bedelay Guriceel oo degmo ahaan hoostagta Balanbale.

Banaan baxayaasha ayaa dab qabadsiiyay Sawirka Wasiirka Qorsheynta Galmudug ay ku eedeeyeen cadaalad daro iyo in uu u eexday deegaanada beeshiisa ay degto, waxa ayna madaxda sare ee Galmudug ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan cadaalad daradan.

Maamulka degmada iyo dadka deegaanka ayaana isugu soo baxay banaan baxan looga soo horjeeday Wasaarada Qorsheynta Galmudug, waxa ayna dadku ku dhawaaqayeen hadalo ay uga soo horjeedaan Galmudug gaar ahaan cadaalad darada lagu sameeyay.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeed bulshaa Balanbale


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*