26th April 2024  admin  Category :

NEWS

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Hague

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Hague, si ay goobjoog uga noqdaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan lagu dhawaaqo doono xukunka dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabta inay ku guuleysato oo loo xukmiyo dhul badeedka ay Kenya sheeganayso taasoo muhiim u ah mushtaqbalka shacabka Soomaaliyeed.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*