26th July 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Xamsa Cabdi Barre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta XFS, Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ah dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha mudane Xersi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu horeyn Ra’isul Wasaaraha warbixin ka siiyay hawlaha ay ka wadashaqeynayaan hay’adaha Warfaafinta heer Qaran iyo dowlad goboleed oo ay ugu dambeysay Istaraatiijiyadda isku xirka xiriirka Warbaahinta oo dhowaan mas’uuliyiinta ku saxiixeen magaalada Muqdisho iyo muhiimadda ay u leedahay mideynta Farriimaha dowladda.

Wasiirada Warfaafinta dowlad goboleedyada iyo agaasimaha guud ee warfaafinta maamulka gobolka Banaadir ayaa Ra’isul Wasaaraha ugu mahad celiyay kulankan  iyaga oo u sheegay in wadashaqeyn wanaagsan iyo aragti mid ah ay maanta leeyihiin hay’adaha Warfaafinta heer Qaran ilaa heer gobol si kor loogu qaado farriimaha wacyigalinta, horumarka Warbaahinta iyo iska kaashiga dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Warfaafinta dhameystirka Istaraatiijiyadda Qaran ee Isku xirka xiriirka Warbaahinta taas oo kor u qaadaysa mideynta farriimaha dowladda,  Wacyigalinta iyo gaarsiinta bulshada farriimaha saxda ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoogga saaraan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kor u qaadista wacyigalinta  bulshada iyo horumarinta Warbaahinta dalka haddii ay ahaan lahayd Warbaahinta dowliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*