24th May 2024  admin  Category :

Maxaan ka ognahay Xerada Goojacadde?

Xerada Goojacade waxay badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi bari, inkasta oo haatan dhismayaal teelteel ahi ay gaadheen aaggaas.

Warshadda biyaha sifaysa ee Nugaal iyo ta kale ee Saafi ayaa ka mid ah dhismayaasha deriska la noqday Goojacadde kuwaas oo gebi ahaanba iminka hawlgab ah.

Xeradaas waxay ahaan jirtay halkii magaalada Laascaanood ay biyaha ka heli jirtay, waxaana xilliyo kala duwan laga qoday ceelal riigag ah xilligii dawladdii kacaanka.

Waxaa xiligaas ka samaysmay beero badan oo ay samaysteen dadkii wakhtigaas ugu ladnaa bulshada ku dhaqnayd Laascaanood oo ahayd mid kooban, waxaana sida la sheegay ay ka kaafisay khudaarta iyo qaybo ka mid ah geed midhoodka sida saytuunka iyo liinta.

Sanadkii 1993dii ayaa markale hay’adda arrimaha bani’aadannimada ee caafimaadka ka shaqeysa ee MSF ay dib u habayn ku samaysay ceelashii, qaar cusubna ka qoday, iyadoo biyogelin ku samaysay magaalada Laascaanood oo burburkii xukuumadda uu raacay biyagelinteedii.

Arrintaas ma noqon mid sii shaqaysa oo iyana mar kale ayay ka dabatagtay tii hore.

Imaanshihii ciidanka Somaliland

Laascaanood

Taariikhdu markii ay ahayd 15 Oktoobar 2007dii ayay ciidamada Somaliland ka saareen magaalada Laascaanood kuwii Puntland, mana aysan soo gelin magaalada ee waxa ay ka wareegeen jihada waqooyi iyagoo laba goobood fadhiisin ka dhigtay, kuwaas oo kala ahaa Goojacade iyo Maraaga oo waddada Garoowe aadda ay marto.

Goobtan aan ka hadlayno Somaliland uma aysan degin in ay difaac u noqoto iyo qaab qiimayn difaac balse waxa ay u degeen hadh ahaan maaddaama ay ahayd goobta keliya ee lahayd dhir, dhulka intiisa kalena beero loo baneeyey.

Goojacadde 15 sano ma arag wax rabshad ah, colaadna loogama baqin, lamana qorshaysan in ay jirto cid isku soo qaadi karta oo aan dhinaca Puntland ahayn, iyagana difaacooda waxa uu u jirey 62km oo dhinaca bariga ee Godqaboobe iyo Tukaraq dhexdooda in kasta oo hal maalin ay ka soo guureen.

Goojacadde waxa uu noqday saldhig weyn waxaa ka dhisan dhismayaal aad u badan oo ka kooban xafiisyo, guryo saraakiisha hoyaad u ah, goobo kaydadka kala duwan lagu illaaliyo, iyo guryo ay askari dhisatayba waa ku yaalaan waxaana lagu qiyaasi karaa magaalo yar.

Maanta iyo Goojacadde

Askar joogta xerada Goojacadde
Qoraalka sawirka,Askar joogta xerada Goojacadde

Halkani maaha sidii quruxda badnayd ee ay shalay ahayd, waxaa lagu wareejiyey buuro ciid ah oo kala danbeeya kuwaas oo mid walba ay gaadiid dagaal iyo ciidankoodii dhabarka ka jiifaan.

Arrintan waa waxa sabab u noqotay difaaca goobtan oo jihada galbeed ay buur weyn kaga aadan tahay, taas oo kala qarisay Laascaanood iyo Goojacadde. Dhammaan inta kale waa bannaan siman waana taas ta sababtay in ciidanka Somaliland ay sameeyaan buuro iyo dhufaysyo macmal ah si aan si fudud jihooyinka banaan looga soo beegsan ama aan guuro gurguura loogu soo gelin.

Maaddaama dhulka u dhow uu yahay bannaan aad u weyn, waxaa u suurto galaysa ciidanka halkaa jooga inay meel fog ka arki karaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka halkaa maraya.

Ciidanka ku xaraysan

Mid ka mid ah saraakiisha xeradaas ka hawlgali jiray oo codsaday sababo amniga la xiriira in aan magaciisa la sheegin ayaa BBC uga warramay ciidanka xeradaas ay qaadi karto.

“Markii hore waxaa xeradaas ay hoy u ahayd ilaa seddex guuto, iyo hoggaanka, guutada ciidanka Somaliland ahna waxay ka kooban tahay 400 ilaa 800 oo askari” ayuu yiri sarkaalkaas.

“Iminka qiyaastii 15 guuto ayaa ku sugan xeradaas” ayuu sii raaciyey sarkaalkaas.

Agagaarka xeradaas ayaa ah halka ay iminka dagaallada ugu culus ee LaasCaanood ka dhacaan, marka laga reebo madaafiicda magaalada ku soo dhacaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*