19th May 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Ilaalinta Arrimaha Rayidka 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaabay Ergayga Gaarka Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadda ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo illaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynaayo Argagaxisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*