27th July 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha ee loo iibgeynayo Dalka Sacuudiga “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

 JUNE 13, 2023

Hey’adaha gargaarka oo walaac ka muujiyay Xaaladaha dadkii ka barakacay dagaalada ka socda Suudaan

 JUNE 13, 2023

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal galisay in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*