26th July 2024  admin  Category :

Nuxurka is-afgaradka Madaxda Dalalka IGAD ee meertada 14aad

1 In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2.  In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4.  Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*