29th March 2024  admin  Category :

Muqdisho, 29 November 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hab fogaan arag ah kula kulmay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro doorashadu in ay noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isaga oo golaha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, waxuna ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa  caddeeyay iay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*