28th January 2022  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay howgalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo Sarakiisha hay’adaha amniga.      

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*