29th March 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaasi, Charles Michel.

Xasan Cali Khayre iyo iyo a’iisul Wasaaraha Belgium, Charles Michel oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka hadlay arima muhiim u ah labada dowladood oo ay kamid tahay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Brussels.

“Waxa aan la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium, Charles Michel. Waxa aan ka wada hadalnay arima badan oo khuseeya labada dowladood oo ay kamid tahay xariirka soo jireenka iyo sida loo xoojin lahaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Kulanka Ra’iisul wasaare Kheyre uu la qaatay Charles Michel ayaa waxa uu qeyb ka ahaa kulamo uu Brussels kula yeeshay masuulyiin ka tirsan midawga Yurub, kadib markii uu soo idlaaday kulankii looga hadlayay amaanka iyo hanaanka horumarka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada Brussels.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*