28th March 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaarado Dhowr ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu u kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

SAWIRRO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*