29th March 2024  admin  Category :

Turkiga ayaa xilligan kaalmada ugu badan siiya  magaakada Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeysa iyo taageerada mar walba Turkiga la garab taagan yahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka mahad celiyay taageerada had iyo jeer ay Turkiga siiso dowladda iyo shacabk Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aanay marnaba ilaabi doonin saaxibtinimada Turkiga.

Intaasi kaddib Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaasoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Turkiga ayaa xilligan kaalmada ugu badan siiya  magaakada Muqdisho, waxaana uu ka taageerayaa dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dib u dhiska iyo mashaariicda horumarineed.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*