26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay R/wasaare ku xigeenka Wadanka Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Mudane Veysi Keynak R/wasaaraha Wadanka Turkiga ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa R/wasaaraha Turkiga uga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Ballaaran ee dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*