8th May 2024  admin  Category :

Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo la kulmay golihiisa wasiirada oo ah kuwii horay u jiray oo sida la sheegay uu dib u magcaabi doono

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fedeaalka ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaannada wehlinayay ayaa ra’iisulwasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag.

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ayaa golaha shacabka weydiistay iney siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*