29th March 2024  admin  Category :

Qurba Joogta Degmada Yubbe Oo Gaadhi Ambulance Ku Wareejiyay MCH-ka Yubbe.

Malaayiin doolar ayaa sanad walba bulshada caalamku ku bixiyaan sida ay nolosha umadda Soomaaliyeed oo ay Reer Yube ka mid yihiin wax uga qaban lahayeen baahida ka haysta dhanka arimaha Bulshada sida caafimaadka iyo Waxbarashada. Lacagtaasi ma soo dhaafaan to Muqdisho, Hargaysa iyo degaano ku yaala Konfurta Soomaaliya. Sababtan ayaa keenya in Qurba Joogta Degmada Yubbe ay Gaadhi Ambulance Ku Wareejiyay MCH-ka Yubbe, oo ay buuxiyaan kaalintii dawladda Soomaaliya

2 thoughts on “Qurba Joogta Degmada Yubbe Oo Gaadhi Ambulance Ku Wareejiyay MCH-ka Yubbe

  1. Hassan Hussein

    Yubbe waa xarun SNM-ta waxana ka dhigay dadkii u dhashay. Raga meesha ka hadlayaa intooda badani waa shaqaalihii SNM-ta, waxana higaaminaya wakiilka Jabhada SNM Gacmayare, Ali A Huruuse oo golaha shayaadiinta ee Hargaysa ka socda, Ahmed Khadar oo shaqaalaha SNM-ta ka mid ah gaar ahaan wasaarada waxbarashada Ceerigaabo. Allsanaag arimaha Yubbe waxba kama soo qori jirin sababtoo ah way ogayd inay tahay xarunta SNM-ta, maanta waxaa llagu khalday Qurbo joog ayaa wax keentay. Qurbo joogta reer Yubbe iyaguna raali ayay ka yihiin sida SNM-tu wax u wado,haddii kale waxaynu arki lahayn iyagoo ka hadlaya dhabaatada dul saaran. Hoos ka Daawo Gacmayare Isdeldel ( Wakiilka SNM-ta ee Yubbe) oo kula qadaynaya Ciidama SNM-ta Dooxada Yubbe. Warka https://youtu.be/SLI7aF2rmD4

    Reply
  2. Cismaan Cawad

    Bahda Allsanaag,

    Waan idin salaamay mar kale gacaleyaal. Waan arkaa in ay farriimahaygii dhowrka ahaa idin soo gaadheen oo aydun dib u habeynta webka billawdeen. Hawshu wali way dhimantahay oo wax baan sax ahayn xagga muuqaalka guud.

    Ma hubo in aydun commentskaygan soo dayn doontaan laakiin waan ku nasiibsanayaa. Waxaydun ogaataan in ay tolka reer Maakhir iyo guud ahaan tolweynaha kale ee u daneynaya oo una damqanaya baahi weyn u qabaan website ay leeyihiin oo social media-ha ka baxsan oo ay dareenkooda iyo afkaartooda ku muujiyaan oo isku na waydaarsadaan. Sidii aan idin xasuusiyay ba webkani madal uga munaabsani ma jirto runtii. Casriyeeya oo noo fasaxa aynu ku haasawne ee min fadlakum.

    Reply

Leave a Reply to Cismaan Cawad Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*